HOME
ABOUT US

 

Hayada wadanida ah ee GAVO

Hordhac


Hayaada samafalka wadaniga ah ee GAVO waxa la aasaasay 27kii February, 1993, xilli dadweynaha reer Somaliland ay ku jireen jaha wareer ay abuureen dagaaladii sokeeye kuwaas oo ragaadiyay nolosha dadka una horseeday qax, barakac iyo geeri sidoo kalena gayaysiiyay dad badan in ay xiskooda ku waayaan ama ay suuqyada gidaar jiif ku noqdaan iyagoo ay ka lumeen hankii iyo himaladii nolosha

sababtaas ayaa aasaaska u ahayd seeska uu ku unkamay fekerka ka danbeeyay abuurista hayada GAVO.Markii ay aasaasantay waxay xooga sartay siddii ay ugu adeegi lahayd dadka aadka u tabaalaysan ee ku dhex tasoobay kuna tabaalaysan bulshada cidina aanay danaynayn kuwaas oo ay ugu horeeyeen Dadka maskaxda ka xanuunsanaya ee markaas ku jiray cusbitaalka maskaxda ee Berbera ilaa iyo xiligana ay ahmiyada siiso daryeelkooda, daaweyntooda iyo dhaqan celintooda sidii ay bulshada marlabaad kaalin ugu yeelan lahaayeen.

Ujeedada ay GAVO u jirtaa maaha mid macaash ama ku dulnoolaansho bulsho u baahan gacan iyo taageero bini-aadanimo balse kalmada koobsanaysan hadafka iyo himilada GAVO waa in ay caawiso dadka si ay isu caawiyaan (Helping people to help themselves).

Aragtida Fog ee GAVO

"waa in dadka soomliyeed ka raystaan duruufaha faqri iyo cadaadis maskaxeed ee bulshada"

Ujeedooyinka hawlgal ee GAVO

  1. In ay caawiso caruurta tabaalaysan iyo dhalinyarada iyadoo lagu qalabaynayo maskaxdooda xirfado ay ku shaqo tagaan iyo barnaamijyo dhaqancelineed ama horumarineed
  2. In kor loo qaado lana tayeeyo xaalada caafimaad iyo nololeed ee dadka maskaxda ka xanuunsanaya iyadoo barnaamijyo kala duwan oo daryeel iyo daawayneed lagu caawinayo
  3. In loo ololeeyo kor u qaadista iyo awoodsiinta dumarka dhinaca waxbarashada si kuwa dareemaya awood la,aantu u arkaan awooda ay leeyihiin si ay wax ugu qabsadaan
  4. In loo hawl galo sidii deegaanka iyo daaqa loo ilaalin lahaa iyadoo kor loo qaadayo wax beerista cuntada iyo calafka gaar ahaan dhulka miyiga ah
  5. In la xoojiyo lana taageero xukunka fiican kaasoo gayaysiin kara dadka bilaa codka ku ah bulshada dhexdoodu in ay arkaan codka ay leeyihiin oo la dhagaysto.

GAVO maxay aaminsantahay?

Intii ay GAVO waday hawlaha u adeegida dadka ka tabaalaysan maskaxda ee markaas ku jiray cusbitaalka maskaxda ee Berbera ayaa waxa la helay dariiqyo kale oo lagu soo kordhinayo siddii loo wanaajin lahaa cusbitaalka iyo adeegiisa, iyadoo sanadkii 1996 ay timi ha'ad talyaani ah oo ka shaqaysa cusbitaaalada maskaxda oo layidhaahdo GRT (Grouppo per Relatione Trans-Culturalle). Hayadaasi waxay gacan wayn ka geysatay sidii ay GAVO ugu tababari lahayd in ay u shaqayso dadka maskaxda ka xanuuunsanaya ee Somaliland oo dhan.

Halkee ayay imika GAVO ka hawl gashaa?

GAVO waxa ay imika ka hawl gashaa gobolada hargeysa, Saaxil, Awdal iyo Tog-dheer ee dalka soomaaliland meelahaas oo ay ka fulinayso mashaariic kala duwan oo lagu dan leeyahay tayaynta iyo kor-qaadista habka iyo hanaanka nololeed ee cida ay u adeegto hayadu waxyaalaha ay qabatay ama ay wadana waxa ka mid ah;

  • Iyadoo gacanta ku haysa cusbitaalada maskaxda ee Berbera, hargeysa sidoo kalena gacan wayn ka gaysan doonta cusbitaalka maskaxda ee dhowaan laga dhisay magaalada Burco
  • Waxa ay ka samaysay magaalada Berbera xarun lagu bart xirfadaha kala duwan oo sankiiba 150 dhalinyaro suuq-joog ah lagu dhaqan celiyo si ay qayb uga qaataan horumarka bulshadooda
  • Waxay aasaastaa xarumo dhalinyaro oo isugu jira meelo waxbarasho, meelo wax lagu akhristo meelo lagu shiro meelo laga heli karo aqoonta loo adeegsda internetka waxaana tii ugu horaysay ay ka samaysay magaalada berbera
  • Waxa ay samaysaa qaabab kala duwana uga hawl gashaa ka wacyi-galinta bulshada ee khatarta HIV/AIDS
  • Waxa ay ka caawisaa golayaasha deegaanka sidii ay kaalin u siin lahaayeen bulshada ay u adeegaan in ay ka qayb qaataan horumarinta magaalooyinka iyadoo habka maamulka hoos loo dhaadhicinayo
  • Waxa ay siisaa dumarka sariibada Berbera lacag amaah ah oomaan haba yaraatee wax ribo ah lahayn loogana dan leeyahay sidii dakhligooda kor loogu qaadi lahaa
  • Waxa ay caawisaa dhiiri-galisaana tayaynta ciyaaraha iyo barnaamijyo lagu horumarinayo dhalinyarada si lo helo bulsho caafimaad qabta
  • Waxa ay ka caawisaa bulshada sidii loo daryeeli lahaa dadka maskaxda ka xanuunsanaya iyadoo ka dhistay magaalooyinka hargeysa iyo berbera xarumo lagu dhaqan celiyo dadka ka soo raysta xanuunada maskaxda sidoo kalena tababro la siiyo waalidiinta ama qaraabaada dadkaas si ay kaalin uga qaataan dawayntooda

 

 

 




 

 

NEWS
EVENTS
REPORTS
PHOTO GALLERY
LINKS